Muqdisho (AGGM): Waxaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho Shirwayne ay iskugu yimaadeen beelwaynta sade shirkaas oo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay shirkaas oo uu shirgudoominayey Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle shirkaas oo uu ajandihiisu ahaa labo qodob oo kala ah.
1- Xoojinta iyo qabanqaabada shirwaynaha Beesha Sade ay ku yeelanayso gobolka Gedo shirkaas oo ay qabanqaabadiisu ka socoto dhamaan dalka dibadiisa iyo gudahaba.
Shirka ayaa Shalay ahmiyada koowaad lagu saaray sidii uu utaabo gali lahaa shirwaynaha gobolka Gedo qofkasta oo halkaas ka hadlayna waxuu muujiyey in loo baahan yahay in Beesha Sade ay yeelato ama uu uqabsoomo shirkaas looga hadlayo midnimada Beesha Sade iyo khilaaf bixinta madmadowga soo kala dhexgalay siyaasiyiinta beesha.
Waxaa madasha shirkaasna laga qabtay gudiga qabanqaabada shirwaynaha wada tashiga Beesha Sade oo dhawaan ka dhici doona gobolka Gedo.
2- Qodobka labaad ee shirka looga hadlaayeyna waxuu ahaa sida laga yeelayo dilalka, kufsiga,dhaca hantida maguurtada ah ee ka socda magaalada Kismaayo.
Qodobkaan aad ayuu waxuu ukiciyey xamaasada dadkii meesha iskugu yimid qofkastoo meesha ka hadlayna waxuu cadeeyey inaan loo dulqaadan Karin arinta meesha ka socota taas oo lagu tilmaamay inay tahay xasuuq lagu xasuuqayo Beesha Sade lana doonaayo in looga cirib tiro deegaanka gobolada Jubooyinka.
Odayaashii dhaqanka,siyaasiyiinta,aqoonyahanada,iyo waxgaradkii ka hadlay madasha uu shirku ka socday waxay carabka ku adkeeyeen inaan loo dulqaadan Karin waxa ka socda magaalada kismaayo oo ay wadaan jabhada raaskambooni waxayna baaq u jeediyeen dawlada federaalka somaliyeed,taliska ciidamada AMISON,iyo dawladaha dariska la ah soomaaliya iyo dawladaha ay ciidamada ka joogaan dalka soomaaliya oo ay masuuliyada kasaaran tahay ilaalinta shacabka soomaaliyeed.
Dhankale waxay digniin udireen JABHADA ONLF GARABKEEDA RAASKAMBOONI ee hada ka arimisa magaalada kismaayo inay joojiyaan xasuuqa ay ku hayaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada kismaayo.
Intaas kadib waxaa shirka soo gunaanaday Ugaaska Beesha Sade Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Ugaaska waxuu erayo kooban ku sheegay in lasuuro galiyo in uu qabsoomo shirwaynaha gobolka Gedo.
Gabgabadi Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle waxuu baaq udiray Dawlada Fedraalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD, iyo wadamada dariska ah in la dhamaystiro shirkii dib uheshiisiinta ADDIS ABABA isla markaasna waxuu Ugaasku cadeeyey inaysan aqoonsanayn waxa hadda lagu sheegaayo maamulka jubba taasna ay ka imaan doonto rabitaanka dadka markii la iskugu yimaado shirkii loo balan Sanaa oo laga sugayo inay suuro galiso Dawladda Federaalka iyo wadamada dariska ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com