Muqdisho(AGGM): Ra’iisalwasaaraha Somaliya Dr C/weli Shiikh Axmed Maxamed oo hadda kusugan magaalada Kampalla ee dalka Ugandha ayaa waxa uu ka hadlay musuq maasuq lagu eedeeyey Dawlada Somaliya taasi oo ahayd in hubka beesha caalamka Somaliya siiso ay Shabaab ugacan galaan.
Dr C/weli Shiikh oo wareysi siiyey idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga ayaa waxa uu sheegay inay musuq maasuq ballaaran uu hareeyey dalka mudadii dalka uu bur burka ka jirayna arintaasi laga dhaxlay.
Ra’iisalwasaare Cabdi weli ayaa cod dheer ku sheegay in musuq maasuqa Xukuumadiisa ay dagaal la geli doonto si meesha looga saaro buu yiri wax isdaba marinta (Musuq maasuqa).
Sidoo kale Ra’iisalwasaaraha Somaliya ayaa ka hadlay ciidamada Itoobiya ee dhawaan ka mid noqday howlgalka AMISOM isagoo beeniyey in wararka sheegayey in tiro ka badan xadiga laga rabay askarta ay kasoo badiyeen.
Halkaan ka dhageyso warbixin aan ka diyaarinay hadalka Ra’iisalwasaare C/weli Shiikh Axmed
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com