Muqdisho(AGGM): Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Cabdi Buule Cabdi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay xalay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ee isku soo dhiibay Ciidamada ayaa gaaraya 20-Ruux oo Wata Hubkooda islamarkaana ka kala yimid Degmada Luuq iyo Baled-Xaawo.
Waxaa uu sheegay in ay soo dhaweeyeen Maleeshiyaadka ka soo goostay Kooxda Argagixisadaa ee Al-shabaab islamarkaana ay Dhaqan Celin u sameenayaan.
Cabdi Buule Cabdi ayaa ugu baaqay Maleeshiyada Al-shabaab ee ku sugan Gobolka in ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo.
Marar farabadan ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,waxaa isku soo dhiibay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com