Muqdisho (AGGM);Falaagada Al-Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen warqado digniin ah oo dhawaan lagu daadiyay Xaafado ka tirsan Degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir gaar ahaan xaafada Soos ee Muqdisho.
Horjoogaha falaagada Al-Shabaab ee Gobalka Banaadir Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu ka hadlay warqadaha Digniinta ee Suuqa Xoolaha lagu daadiyay, isaga oo sheegay in Shabaab aysan ka dambeyn arintaasi.
Cali Maxamed Xuseen wuxuu sheegay in dadka warqadahaasi ku daadiyay Suuqa Xoolaha ilaa Ex-Controol Balcad ay yihiin dad doonaya inay umadda islaamka ka hor istaagaan ganacsigooda taasina ay tahay arin dhibaato weyn ah.
Wuxuu ku eedeeyay warqadahaasi inay daadiyaan ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo uu sheegay inay dhibaateynayaan dadka shacabka ah ee ku nool xaafada Suuqa Xoolaha.
Dhawaan ayeey aheyd markii xaafada Suuqa Xoolaha ilaa Ex-controol Balcad lagu daadiyay warqado digiin ah oo ku aadan dadka ku ganacsada halkaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com