Akhriso:-Wasaaradda Amniga oo Muqdisho shir uga qabatay Mas’uuliyiin ka socday Gedo

0

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga qabatay kulan looga hadlayay amniga xuxuudaha Guddoomiyeyaal degmo iyo Saraakiil ciidan oo ka socday Gobolka Gedo.

Kulankan ayaa ahaa xog is weydaarsi iyo aqoon kororsi ku saabsan amniga xuduudaha dalka, waxaana kulankan garwadeen ka ahaa Wasiir kuxgeenka Amniga C/naasir Siciid Muuse waxaana laga wada hadlay qodobo dhowr ah.