Muqdisho(AGGM): Mas’uul ka tirsanaa Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Faderaalka Xukumadda Soomaaliya ayaa lagu Dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Dilka Mas’uulkaan oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Max’ed Sh Sadiiq ayaa la sheegay in ay ka Danbeeysay Haweeneey uu Qabay,ayadoona aan la ogeen Qaabka uu Dilka u dhacay.
Maxamuud Max’ed Sh,Sadiiq ayaa la Tilmaamay in Haweeneeysa uu qabo ay ku Dishay Hooygiisa uu ka Dagan yahay Magaalada Muqdisho.
Inkastoo aan la Xaqiijin,ujeedka Dilka Mas’uulkaan ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Faderaalka Xukumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaan Dilalka loo geeysto Mas’uuliyiibta Dowladda iyo Dadka Shacabkaa intaba.
Dhamaadkii Sanadkii hore ee laga soo Gudbay ayaa Degmada Waabari,waxaa Haweeneey ay ku Dishay Sargaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com