Caabudwaaq (AGGM): Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ka dayrinaya xaaladda nololeed ee dad soo barakacay oo ku nool xeryo ku yaalla degmadaasi.
Madaxa arrimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq, Khaliif Cabdisamad Cali ayaa u sheegay Warbaahinta in ku dhowaad kun qoys oo ku nool xeryaha lagu barakacay aysan haysan cunto, biyo, dawo iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.
Wuxuu sheegay in maamulka degmadu uusan xilligan wax ka qaban karin dhibaatada nololeed ee haysata dadkaas.
Dadkaasi ma helaan wax gargaar ah sida uu xusay Khaliif.
Wuxuu ka codsaday dowladda, hay’adaha gargaarka, qurbajoogta iyo ganacsatada Soomaalida ah inay gacan ka geystaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkaas.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com