Lix bilood ka hor ayey ahayd markii Dawlada Federalka Somalia iyo MaamulkaJubbaland ay kala saxiixdeen heshiis qodobo badan ka koobnaa oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro muran siyaasadeed iyo gacan ka hadal u dhexeeyey labada dhinac, kaasoo ku aadanaa dhismaha dawlad goboleed ka hirgasha gobolada Jubooyinka iyo Gedo. heshiiska oo lagu saxiixay Addis Ababa 28/08/2013, ayaa ugu yaraan hakiyey colaadi labada dhinac u dhexaysay.
Heshiiska Addis Ababa wuxuu yimid in ka badan lix bilood oo dawlada Federalku dagaal siyaasadeed, mid dublumaasiyayeed iyo mid ciidanba ay ku qaaday hindisihii dhismaha Jubbaland, si ay u hor istaagto dhismaha maamul goboleed ka hana qaada goboladaas, balse markii uu maamulka Jubbaland gashaanka u daruuray isku daygaas, ayey khasab ku noqotay dawlada dhexe in ay heshiis la qaadato maamulka Jubbaland. Heshiisku ma ahayn mid ay niyad wanaag ku galeen labada dhinac basle wuxuu yimid ka dib markii dawlada federalka ay khiyaaraadki (options) ka dhamaadeen oo kooxdii taageersanayd looga itaal roonaaday gacan ku haynta magaalada Kismaayo. dhinaca kale maamulka Jubbaland ma haysan wax aqoonsi rasmi ah taasoo khasab kaga dhigaysay inuu la heshiiyo dawlada dhexe.
Heshiiska Addis Ababa waxaa lagu tilmaami karaa mid dhiig joojin kaliya ahaa ( detente), sababtoo ah ujeedooyinka siyaasadeed ee labada dhinac weli waa kala fog yihiin.
Qodobada heshiiska ugu muhiimsan ayaa waxaa ka mid ah aqoonsiga dawlada dhexe siisay maamulka Jubbaland, iyo maamulka Jubba oo ogaaladay inuu dawlada ku wareejiyo dekeda iy gegida diyaaradaha Kismaayo, balse waxaa muuqata in labada dhinac aysan arintaas si buuxda u qaadan iyadoo dawlada federalka aqoonsiga ay siisay maamulak Jubbaland uusan ahayn mid dhamaystiran balse ku meel gaar uun ah, gaar ahaan dawlada federalku waxay weli ku adkaysanaysaa in hanaanka federalku u baahan yahay shuruuc ay tahay in barlamaanku soo saaraan. madaxweynaha dawlada federalka hadalk uu dhowaan jeediyey wuxuu ku sheegay inuusan jirin maamul goboleed uu aqoosan yahay maadaama oo aan weli la hirgelin hanaanka federalka.
Dhinaca maamulka Jubbaland uma muuqdaan in ay si buuxda ugu qanacsan yihiin wareeginta dekeda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoo la oran karo haddii ay labadaas kaabe dhaqaale wareejiyaan in ay noqonayaan maamul magac ahaan oo kaliya u jira sida Galmudug, Ximan iyo xeeb iyo Hiraan. haddiiba madaxda Jubbaland ay tanaasul samayn lahaayeen oo wareejin lahaayeen dekeda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa lagu doodi karaa weli ma muuqdo hanaan dawladnimo oo si buuxda la isagu halayn karo oo Somalia ka hanaqaaday.
Puntland iyo Somaliland waxa ay maamulo jira oo shaqaynaya ku yihiin waa iyagoo maamulo dekedo iyo garoomo diyaaradeed oo dhaqaale joogto ahi ka soo galo. Inkastoo heshiiska ay ku qoran tahay in dhaqaalaha ka soo xerooda dekeda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo loo isticmaali doono dhismaha iyo horumarinta degaanka Jubbaland oo kaliya, haddana waxaa dad badani u arkaan haddii dekada iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ka baxaan gacanta maamulka Jubbaland in ay ka dhigan tahay iyadoo maamulka oo dhan uu gacantooda ka baxay. waxaana suurta gal ah in ay dawlada federalka u fududaan doonto in ay ciidamo iyada taabacsan kala soo degto dekeda ama garoonka diyaaradaha Kismaayo, taasoo khatar amni oo weyn ku ah jiritaanka maamulka Jubbaland. waxaana muuqata maamulka Jubbaland, oo malaha madaxa ku haya arimaha aan kor ku soo xusnay , in ay ka caga jiidayaan in wareejiyaan dekekda iyo garoonak diyaaradaha Kismaayo. iyadoo maalintii shalay uu warbaahinta la hadlay wasiiru dawladaha madaxtooyada Jubbaland C/qani Jaamac oo sheegay in heshiiska Addis Ababa loo fuliyo sida qodobadiisu u kala horeeyan balse aan cidkastaa ka xulan qodobada ay jeceshahay.
Waxaa tusaale u ah inaanu jirin niyad wanaag iyo is aamin labada dhinac u dhexeeya, dawlada federalka weli waxay ku mashquulsan tahay dhaqdhaqaaq dhinaca dublumaasiyada ah oo ka dhan Jubbaland, iyadoo weli ka shaqaynaysa sidii ay ciidamada Kenay ugu saari lahayd dalka ama ugu yaraan magaalada Kismaayo. waxaa la isweydiin karaa dawlada federalku sababta ay ciidamada Kenya u diidan tahay islamarkaasna ay u soo dhowaynayso ciidamada Itoobiya oo aysan Soomaali badani jeclayn ama qaarkood cadow u arkaan.
Markii aan dhagaystay hadalkii wasiiru dawlaha madaxtooyada Jubbaland oo ahaa in qodobada heshiiska loo kala hor mariyo sida ay isu xigaan, ayaan waxaan xasuustay wadahadalkii Geneve 2 ee lagu dhexdhexaadinayey xukuumada Suuriya iyo mucaaradka ka soo horjeeda, kasoo dhawaan ka dhacay magaalada Geneve ee dalka Switzerland. haddaba si ay u fahmaan aqriystayaasha laga yaabo in aysan si fiican ula socon colaada Suuriya iyo heshiiski Geneve 1, waxaan si kooban u dul istaagayaa heshiiski Geneve 1 iyo wadahadlkii Geneve 2 ee Suuriya.
Bishii June ee sanadkii 2012 ayaa shirka ka dhacay magaalada Geneve waxaa lagu gaaray heshiis ku aadan in la soo afjaro colaada Suuriya, heshiiska oo ay garwadeen ka ahaayeen Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka koobnaa qodobo badan, balse waxaa ugu muhiimsan in la jooiyo dagaalka isla markaana ay labada dhinac si wada jir ahula dagaalamaan argagixisada iyo xagjirnimada, ka dibna la dhiso xukuumad ku meel gaar ah oo labada dhinac si wada jir ah u soo xulaan, taasoo awood fulineed oo buuxda leh, waxaana halkaas ka soo baxay heshiiska loogu magac daray Geneve 1, balse arintaas waxaa diiday mucaaradka Suuriya oo markaas u muuqday in ay ku sii siqayaan caasimada Suuriya ee Dimishiq.
Si kastaba ha ahaatee, xukuumada Assad ayaa iska caabiday weerarada mucaaradka iyadoo hadda u muuqata in ay ku gacan sarayso dagaalka ka socda Suuriya ka dib markii ay magaalooyin iyo gooba muhiim ah dib uga qabsatay mucaaradka Mucaaradka Suuriya oo niyad jabay ka dib markii muddo 3 sano ah oo dagaal lagu hoobtay socday ay ridi waayeen nidaamka Assad isla markaasna dhexdooda ka dagaalameen, ayaa oglaaday in ay qaataan heshiiski Geneve 1 oo ay sanad iyo bar ka hor diideen, iyagoo ka qayb galay wadahadalka loogu magac daray Geneve 2 oo bishii January ee sanadkan ka furmay Geneve. sida muuqata mucaaradka Suuriya oo malaha markan ka quusatay in ay xoog ku ridaan Nidmaaka Assad ayaa oglaaday in la dhiso xukuumad wadaag ah oo awood fulineed oo buuxda leh sida ku cad heshiiska Geneve, waxayna soo jeediyeen in dooda qodobkaas laga bilaabo, balse weftigii ka socday xukuumada Assad, oo malaha markan kalsooni buuxda ku qaba inaan talada xoog looga faramaroojin karin, ayaa arintaas gashaanka ku dhuftay, waxayna dhincooda soo jeediyeen in qodobada heshiiska Geneve 1 sida ay u kala horeeyan looga dooda, lagana bilaabo qoddobka ugu horeeya ee ah la dagaalanka argagixisad iyo xagjiriint.
Laba wareeg oo wadahadal ah ayaa la isku mari waayey qodobka ay tahay in marka hore dooda laga bilaabo, iyadoo hadda wadahadalkii Geneve 2 hakad la geliyey. Dooda weftiga xukuumada Suuriya ayaa meel dhaafo la waayey maadaama qodobka la dagaalanka argagixisadu uu heshiiska Geneve 1 ugu horeeyo, iyadoo ay dublumaasiyiinta reer galbeedka oo mucaaradka taageera isku dayeen in ay afmiishaarnimo iyo asaraar u adeegsadaan waftiga xukuumada Suuriya si u oglaysiiyaan dalabka mucaaradka, balse taasu suurtagal waa noqon wayday iyagoo waftigii xukuumada Assad afmiishaarinimo iyo eedayn laga badin waayey (reer galbeeka ayeyba ku eedayeen in ay argagixisada Suuriya ka dagaalamyasa hubaynayaan).
Wasiirka arimaha dibada Suuriya Waliild Al Mucalim oo Geneve ka hadlayey ayaa yiri; ” Mucaaradka Suuriya wixii ay xoog iyo dagaal ku qaadan waayeen ayay doonayaan in qaataan iyagoo ka shaahaya makhaayadaha quruxda badan ee Geneve, yeysan mucaaradku ku riyoon in aan halka u nimid inaan ku wareejino furayaasha Dimishiq””
Marka aan dib ugu soo noqono mowduuceena, waxaa muuqda in saxiixii heshiiski Addis Abab lix bilood ka hor ay wax badani isbedeleen, dhinaca maamulka Jubbaland waxaa la oran kara wax xooga horumar tartiibtarriib ah ayuu sameeyey iyadoo la dhisay golaha xukuumada iyo maamulka gobolka Jubada hoose iyo kan degmada Kismaayo, inkastoo ay weli dhiman tahay dhismaha balamaanka iyo xoraynta degaamada Al shabaab weli ka taliyaan, sidoo kale qaar ka mid ah mucaaaradka maamalka Jubbaland ayaa heshiis la qaatay maamulka.
Dhinaca dawlada federalka ah waxaa oran karaa in xaalkooda yahay Bariga Dhexe, arimaha soo kordhay waxaa ka mid ah amnigii Muqidsho oo faraha ka baxay iyadoo madaxtooyada Villa Somalia maalin cad weerar lagu ekeeyey oo xattaa madaxweynuhu faro ciyo leh ku baxsaday, kalsoonidii beesha caalamku u haysay hogaanka sare dawlada federalka oo gebi ahaanba meesha ka baxay, ka dib markii dawlada lagu eedeeyey in ay la degeen khilaafkaad dhexdooda ah, musuqmaasaq baahsan, hubkii dalwada oo gacanta loo geliyey Al shabaab, iyo maqnaashaha aragti iyo istratejiyad siyaasadeed oo durugsan oo dalka lagu. hago.
Todobaadyadan waxaa warbaahinta caalamka iyo tan gudahaba qabsaday duufaan qormooyin ah oo lagu dhaliilayo dalwada dhexe gaar ahaan madaxweyne Xasan Shiikh. xeeldheerayaal siyaasada Somalia falanqeeya oo isagu jira Somali iyo ajnebi ayaa hal mar ooda ka soo qaaday qormooyin tilmaamaya in dalwada Xasan Shiikh ay si buuxda u fashilantay, waxaan ku xusi karaa dadka iyo hay’adaha warbaahinta ama cilmi baarista ee madaafiicda eedaynta ah ku garaacay dawlada Xasan Shiikh gaar ahaan kuwa wax ku qora luuqada Englishka, Faysal Rooble, Maxamed Yabarag, Maxamed Cilmi, Mary Harper, Peter Pham, Drazen Jorgic, Reuters, BBCworld Service, AP, Stratfor, Atlantic Coucil, Afirca Confidential, Africa Intelegence iyo kuwo kale, shaqsiyaadkaas iyo xarumahaas warbaahinta ama cilmi baarista waxay isku raaceen in dawlada Xasan Shiikh ay ku fashlintay arimaha siyaasada , amniga, dib u heshiisiinta, gaarsiinta adeegyada dadku u baahan yahay,iyo waxqabashada musuqmaasaqa, isla markaasna ay lumisay kalsoonida ay Soomaalida iyo caalamkuba ku qabeen.
Khasab maaha in qiimaynta dadka iyo hay’adaha aan kor ku soo xusay wada sax tahay, balse waxaa hubaal ah oo aan cidi muran ka keeni karin in dawlada federalka ay hadda tahay mid la liilliicaysa mushkiladaha iyo caqabadaha kala duwan ee ku furmay iyadoo farqi weyni u dhexeeyo markii ay saxiixday heshiiska Addis Ababa ee Jubbaland iyo hadda. waxaa la oran karaa xaalka dawlada federalku waa halkii oraahdii Aadan Galayr oo ahayd ( Shalay oo aan tabar hayeyna talo ma hayn, maanta oo aan talo hayona tabar ma hayo)waxaa la odorosi karaa haddii dawlada fedralku isku daydo in ay dagaal siyaasadeed iyo dublumaasiyadeed oo horleh la gasho maamulka Jubbaland in taasi ay soo dedejin doonto dhamaadka hogaanka hadda talada haya ee Muqdisho oo haddaba ay wararka qaar sheegayaan in qaybo badan oo Somaliyeed iyo beesha caalamkuba ay ku mashquulsan yihiin cidii lagu bedeli lahaa.
Waxaa la fili karaa in maamulka Jubbaland uu ku doodo inuusan dekeda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo ku wareejin karin dawlad ilaalin kari waday madaxtooyadii saldhiga u ahayd,doodaas ah mid Soomaalida iyo caalamkaba ka gadmi karta. sidoo kale waxay hadda ku doodayaan in dawladu ay gudahaheed isku mashquushay khilaafki dhexdooda ahaa darteed oo ka gaabisay in ay maamulka Jubbaland kala shaqayso hirgelinta qodobo gundhig (milestone) u ahaa fulinta heshiiski Addis Ababa ayna tahay in la raaco sida ay u kala horeeyan qodobadu.
Guntii iyo gabagadii ,hadalka wasiiru dawlaha madaxtooyada Jubbaland C/qani Jaamac wuxuu u dhacaya sidii hadalkii Waliid Al mucalin , “Wixii aad xoog iyo dagaal ku qaadan waydeen si fudud idiinku wareejin mayno” waxaana la oran karaa si la mid ah waftigii Suuriya ee Geneve ayey maamulka Jubbaland waxay leeyihiin heshiiska aan u fulino sida ay qodobadu u kala horeeyaan ( oodo dhacameed sida ay kala sareeyaan ayaa loo kala qaadaa).
Daahireeto Sheikh
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com