Falaagada Argagixisada Ah Ee Al-Shabaab Oo Weerartay Fariinsin Ciidanka Dowladda Ay Ku Leeyihiin Duleedka Beledweyne.

0

Beledweyne (AGGM): Dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo falaagada Al-Shabaab ayaa habeenkii Axadda ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii falaagada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadday saldhig ciidanka dowladdu ku leeyahay duleedka galbeed ee Beledweyne, sida uu Warbaahinta u sheegay abbaanduulaha guutada 10-aad ee ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan, Kornayl Maxamed Amiin.

Kornayl Maxamed ayaa xusay in dagaalka oo socday in ka yar saacad barkeed aysan khasaaro ka soo gaarin ciidanka dowladda.

Wuxuu intaas ku daray in goobta dagaalku ka dhacay saaka lagu arkay astaamo muujinaya khasaare gaaray maleeshiyada, sida meelo ay ka uruursadeen dad dhaawacmay ama dhintay.

Isku soo wada duuboo Dagaalka xalay ka dhacay duleedka galbeed ee Beledweyne ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay wadajir u qabanqaabinayaan weerarro falaagada Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay uga sugan tahay gobolka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com