Baydhabo(AGGM) Waxaa hadda Saldhiga ciidamada booliska Magaalada Baydhabo lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidamada booliska gobolka Bay Col Kurtun iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa mileteriga dawladda federaalka ahi soo wareereen.
Ciidamada mileteriga ee soo wararay Saldhiga ciidamada booliska isla markaasna dilay Taliye ku xigeenkii ciidamada booliska gobolka Bay ayaa la sheegaya inay ka caroodeen dad tageersan Madoobe Nuunow oo ciidamada boolisku ku xireen saldhiga ciidamada booliska ee Magaalada Baydhabo.
Col Kurtun ayaa la sheegay inuu la dhinteen laba ka mid ah ilaaladiisa,waxaana la sheegayaa inay dhawr kale ku dhaawacmeen weerarkaasi,waxaana wararku intaas ku darayaan in weerarkan xiirir la leeyahay Maamulo iska soo horjeeda oo laga dhisayo Magaalada Baydhabo kuwaasi oo midkooda shalay looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo kii kalena shirkiisu sii socdo.
Sidoo kale banaan baxayaal tageersan Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow ayaa laga hor istaagay Banaan baxooda,waxaana hor istaag ku sameeyey ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa dawlada itoobiya,waxaana ay sheegeen inaysana aqbali doonin wax mudaharaad ah.
Ugu dambeyntii Waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ka socda kulamo kala duwan oo lagu sameynayo maamullo kala duwan kuwaasi oo midkood yahay 6 gobol halka ka kalena uu yhaa 3 gobol,waxaana arrimahaasi kala tageersan dadka shacabka ee ka soo jeeda gobolladaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com