Xudur (AGGM): Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ay maanta la wareegeen degmada Rab-dhuurre ee gobolka Bakool, oo ay horay ugu sugneyd Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool Gaashaanle-sare Cabdi Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamada AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta Rab-dhuurre.
Wuxuu tilmaamay in israsaaseyn ay halkaas ku dhex martay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay ciidamadu ku guuleysteen inay la wareegaan degmada.
Ciidamada la wareegay Rab-dhuurre ayaa ka soo kicitimay degmada Yeed ee gobolka Bakool, wuxuuna taliyaha sheegay in ay doonayaan in ay maleeshiyada kala wareegaan deegaannada kale ee ay sugan tahay gobolka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com