Kismaayo(AGGM) Waxgaradka u dhashay Goboladda Jubooyinka aya ka hadlay xaalado cakiran ee ka taagan Magaalada Kismaayo,waxaana ay waxgaradku shaaciyeen inay dhibaato baahsan hayaan maleeshiyaadka Raaskambooni ee laga soo dawaafiyey Kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay.
Mid ka mid ah Waxgaradka Magaalada Kismaayo oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in saacad kasta Magaalada Kismaayo lagu dilo dad shacab ah habeen iyo maalinba,waxaana uu sheegay in habeen hore kaliya ay dileen 3 ruux oo shacab ah kuwaasi oo an la aqoonsan iyadoo ay wajiga ka dileen.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmihi la soo dhaafay si xawli ah Maleeshiyaadka Raaskambooni ay u duminayeen guryo dad shacab ahi leeyihiin oo nooc kasta isugu jira,waxaana uu sheegay inay Maleeshiyaadka Raaskambooni Magaalada Kismaayo si toos ah uga bilaabeen barakicin baahsan oo ay dadka shacabka ah u geysanayaan.
Ugu dambeyntii Masuulkan waxaa uu eedeyn duusha uga tuurey dawlada federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana uu ku eedeyey inay iyadu Masuul ka tahay dhibaateynta shacabka isagoo sheegay inaysan waxba kala socon xaaladaha amaan darro ee ka taagan Magaalada Kismaayo.
Halkan ka Dhageyso.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com