Dhageyso:Koox hubeeysan oo Dil iyo Dhaawac Gobolka Bari ugu geeystay Dad Rayid ah

0

Boosaaso (AGGM): Inta la Xaqiijiyey Hal Qof ayaa Geeriyooday 4 Kalena wey Dhaacameen kadib Markii Gaari Rakaab ah oo ay Dadkaan la socdeen Rasaas lagu Furay Xili uu Maraayey inta U dhaxeysa Gobolka Bari iyo Karkaar.

Wararka ayaa sheegaya in Koox Hubeeysan ay Gaariga Jidka u galeen kuwaas oo Doonayey in ay dhacaan rakaabka Saaran Gaariga,ayagoona markii Danbe Rasaasta ay ku Geeriyoodeen Dadka rakaabkaa iyo Dadkale oo goobta ka ag dhawaa.

Ciidamada Amaanka Magaalada Boosaaso ayaa soo gaaray Goobta uu Falka dilka iyo Dhaawaca uu ka dhacay ayagoona Baritaano halkaasi ka sameyey.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warka Dilka iyo Dhaca dadka loogeeystay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com