Maamulka Puntland oo ka shiraya qorshe howleedka shanta sano ee soo socota “Sawirro”

0

Garoowe(AGGM):Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka furay xarunta Jaamacadda PSU Garoowe shirka qorshe-howleedka maamulkaasi ee shanta sanno ee soo socota.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar iyo wasiiradda maamulka Puntland ayaa ka qaybgalay kulankaasi, waxaana looga arinsanayay sidii loo midayn lahaa dadaaladda, uu maamulka ku doonayo in uu ku soo bandhigo qorshe howleedka,  waxana labada maalin ee uu socdo kulanka laga doonayaa in la dhaqan qeliyo qodobadda ka soo baxa oo in badan oo ka mida Dr Cabdiweli Gaas balanqaaday xiligii doorashada.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay shirkaasi ayaa u kala saaray shan qodob oo kala ah:

1-Xoojinta Nabadgelyadda iyo dib u dhiska xarumaha Ammaanka.

2-Dib u heshiisiinta, Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda.

3-Ganacsiga, Dhaqaalaha, dhiirigelinta Maalgeshiga & horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha.

4-Horumarinta Arrimaha Bulshadda sida Caafimaadka & Waxbarashadda.

5-Maamul Wanaaga (La xisaabtanka & la dagaalanka Musuq-maasuqa).

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa xusay in dowladda Turkiga ay gacan ka geysaneyso dhismaha xarunta farsamada gacanta, isagoo kula dar daarmay ka qeyb galayaashii kulankaasi inay u istaagaan sidii ay u soo saari lahaayeen qorshe howleed uu ku shaqeeyo maamulka Puntland muddada shanta sano ee soo socota.

1 IMG_0336 IMG_0340 IMG_0341 IMG_0344 IMG_0353 IMG_0355 IMG_0359 IMG_0361 IMG_0363 IMG_0369  IMG_0391 IMG_0397 IMG_0405

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com