Kismaayo (AGGM): Wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in manta magaaladaasi uu ka dhacay qarax.
Qaraxaan oo ahaa bombada Noceedu u yahay F1 ayaa waxaa uu ka dhacay Bartamaha Misaajidka Cali mukuli ee ku yaala Xafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo.
Marki uu qaraxu dhacay ayaa waxaa gobta soo garaay Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo kuwaas oo baritaan ay sameyeen ku ogaday in bombada qaraxday ay ahayd noca F1 ka.
Qaraxaan ayaa waxaa uu dhaliyay Qasaaraha labo qof oo ku dhawacantay waxaana goobti uu ka dhacay wali ku sugan Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo.
Taliyaha Ciidamada Amaanka ee Saldhiga Kismaayo Deeq Cisman Qalinle oo hadal kooban ka jeediyay goobti uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaani uu ahaa mid fudud oo aan gaysan qasaaro badan.
Taliyaha ayaa waxaa uu sido kale sheegay in qaraxaan usan ahayn mid meesha lagu sii asay ee ay u badan tahay in uu ahaa mid si kama ah uga qarxay Ciidamo ku sugnaa Agagaarka Misaajidka balse ay wali ku jiraan baritaan arinkaan ku sabsan.
Qaraxaan ayaa waxaa uu imaanaya xili Magaalada Kismaayo labadi maalin ee ugu dambaysay laga dareemayay xaalad daganaan ah ka dib marki ay magaalada ka baxeen Saraakishi Maamulka kmg ah ee Kismaayo ee is qilaafsana.
——————————————
Maxamed Cabdi Cali
Kismaayo-Somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com