BaledXaawo (AGGM): Tan iyo markii Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay kala wareegeen Ciidamadda Kenya iyo kuwa Raaskambooni Ururka Al-shabaab sanadkii 2012 waxaa ka dhacayay degmadaasi dhibaatooyin iskugu jira dil, Dhac, Boosb, Kufsi, iyo Gabool falyo kale oo loo gaysanayo shacabka deeganadaasi.
Dilalka ayaa intooda badan waxaa si gaar ah loogu gaystay qaar kamid ah beelaha daga deeganadaasi, waxaana dilkii u danbeeyay loogu gaystay bartamaha magaalada Kismaayo, Dr Xasan Diiriye oo kamid ahaa ganacsatada degmada Kismaayo.
Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta isagoo ku sugan degmada Baladxaawo ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray maleeshiyada uu hogaamiyo Axmed Madoobe isagoo xusay si gaar ah in dhibaatooyin loogu gaysanayo shacabka kasoo jeeda beelaha Sade.
“Aad iyo aad waxaan uga xunahay dhibaatada uu maamulka Axmed Madoobe ka wado Kismaayo ee lagu xasuuqayo shacabka Beesha Sade ee Kismaayo dagan, Xasuuqaas hadda ka socda Kismaayo ee lagu ciribtirayo Sade dadkiibaa guryaha laga baxayaa oo la laynayaa Ganacsigoodii iyo hantidii baa la boobayaa guryihiibaa la burburinayaa oo boosaskiibaa la dhacayaa dhibaatadaas joogtada ah ayaa lagu hayaa Beesha Sade ee Kismaayo dagto” ayuu yiri Ugaaska.
Waxaa uu tilmaamay Ugaaska inay tahay dhibaatadani ay wadaan Maleeshiyaadka Axmed Madoobe mid la doonayay in lagu barakiciyo beesha Sade isla markaana aan xiligani suuragalayn.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com