Muqdisho (AGGM): Allaha u naxariistee fanaanka Maxamed Suleyman Tubeec oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho kadib markii maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde..
R/wasaraaha xukuumadda Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiirro, Xildhibaanno, Fanaaniinta, iyo dadweyne aad u farabadan iyo ehelada marxuumka ayaa ka qeybgalay aaska.
Allaha u naxariistee meydka marxuumka ayaa lagu aasay qubuuraha Iskuul Boliisiya, kadib markii laga soo gelbiyay garoonka diyaaradaha, iyadoo salaadda Janaasada lagula tukaday isla goobta lagu aasay.
R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka geeriyooday uu ahaa halyeey geesi wadani ah, isagoo tacsi tiiranyo leh u diray ehelada marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com