Alle ha u naxariistee Cabdillaahi Ebyan Nuur, wuxuu ahaa guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, fiidimadii caawa ayuuna ku geeriyooday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
Geerida guddoomiyaha ayaa timid xilli lagu guda jiro doorashada golaha aqalka sare ee Soomaaliya, middii golaha shacabkana aan weli loo weelqaadin.
illaa hadda doorashooyinka dhacay iyo dad xulashooyinka dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka ayaa la tilmaamayaa in madmadowyo badan ay ka muuqdeen, is garab riicyada siyaasadeedna laga dheehan karo hanaanka doorashooyinka Aqalka sare badi ay u dhaceen.
Doorashada golaha shacabka oo sida qorshuhu yahay ergooyin ay codaynayaan, ayaa iyana si weyn looga walwalsan yahay, loona muujinayaa rajo xumo ku aaddan heerka hufnaaneed ee doorashadaasi yeelan karto.