Ma dhib yara inaad ka hadasho waxqabadka xukuumad muddo sanad ah wax ka qabaneysa dhammaan kaabashaada dowladnimo oo dalka Soomaaliya ka burbursanayaa 23 sano ee la soo dhaafay. Madaxkasta soo timaadana iyada oo aan wax buuran ka qaban ay ka tagto howshii oo-ba kasii hooseysa meeshii ay mareysan maalintii loo dhiibay.
Marka aan sidaasi leeyahay waxaan rabaa in aan dib u milicsado xukuumaddii tirra yar ee TAYO badan ee uu hoggaaminayey Dr, Abdi Farax Shirdoon (Saacid) kaasi oo xukunkiisa uu yimid kadib markii dalka uu ka baxay wixii loo yaqaanay KMG ee lagu soo caano-maalayey dhowr iyo tabankii sanno ee la soo dhaafay. Waxbadana ay inooga xayirnaayeen magacaasie “KMG”nimada ah.
Dr, Saacid Farax oo ahaa shaqsi ku noolaa dalka aanu jaarka nahay ee Kenya waxaa uu si joogta ah ula socday xaalka dalka Soomaaliya, oo ma aheyn nin ay wax badan ka daahsoon yihiin.
Maxaa yeelay dalka uu joogo ayaaba dowlada hadda inoo dhisan laga soo yagleelay oo lagu soo yabyabay (DHISAY).
Taasi waxay u fududeysay inuu si dhib yar kusoo dhiso xukuumad middii ugu tirada yareed oo ay kuwada qanceen shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa qalbiyada inta dowlada jecel iyo sinaanta shacabka Soomaaliyeed durba ku soo dhaceysa sida uu u jabiyey darbigii cuslaa ee la oran jiray 4.5 in waxkasta lagu soo dhiso gaar ahaan xukuumadkasta.
Waxaana uu taariikhda geliyey in beelaha lagu sheegay 5 inuu xaq siman siiyey, oo uusan midna gaar u dhihin waa lagaa tiro badan yahay. Guul weyn oo lagu wada farxay miyeysan aheyn? Haa, waa ay tahay waliba mid lagu diirsaday.
Dr, Saacid Farax oo ah mid u nugul dhageysiga inta danta yar iyo kuwa lagu tacadiyey baahidooda ayaa waxaa uu si ficil ah wax uga qabtay cabashadii dumarka oo aheyd xukunka dalka waxba kama helno.
Waxaana xukuumadiisa lagu xasuusan doonaa wasiir ee kala ah Dr, Maryan Qaasim oo heysay illaa shan wasaaradood oo la isa-saaray iyo Fowsiyo Xaaji Aden oo aheyd Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna wasiirka arrimaha dibada.
Intaasi kuma harin ee waxaa diiwaanka hoggaanka ugu sareeya bangiga dhexe loo dhiibay Yusur Abraar, inkastoo aysan ku raagin oo ay iskeed isaga casishay xilkaasi.
Waxaana dib u howgalay bangigii dhexe ee dalka Soomaaliya kaasi oo ilaa maanta ah midka ay ku shaqeyso dowlada Soomaaliya.
Arrimaha dibada ayuu Dr, Saacid Farax iyo xukuumaddiisa lagu xasuusan doonaa inay isbadel muuqda ku sameeyeen. Waxaana ay dhaba u xaareen nidaam ay dowladaha dibada kula shaqeyn karaan dowlada Soomaaliya iyo aqoonsiyo caalami ah oo ay heshay dowlada curdunka ah ee KMG ka hadda ka baxday.
Mareykan iyo Yurub oo ah labada dunida maanta ugu tunka weyn ayey xukuumadda Dr, Saacid Farax ku qancisay inay indhahooda iyo dhagahooda u leexiyaan Soomaaliya, oo ay waliba aqbalaan wixii ay rabaan in laga caawiyo dalkan iyo shacabkiisa uu dagaalku daashaday 23 sanno (Rag ka horeeyey ma gaarin arrintaasi inay guul ka keenaan).
Waxbarashadda qeybaheeda kala duwan oo xoogga la saaro waa meelaha ay ummadi ka horumarto. Arrintaasi meel marinteeda ayey xukuumadda Dr, Saacid Faarax u sameysay barnaamij lawada jecleystay oo ciwaan looga dhigay ” AADA DUGSIYADA” kaasi oo loo qorsheeyey inay caruur dhan hal milyan loo diro waxbarasho lacag la’aan ah. Waana mid lagu wada baahinayey gobollada dalka Soomaaliya oo dhan.
Dr, Saacid Faarax iyo xukuumaddii waxaan uga nasanay intii ay jirtay shirarkii dibadaha loogu qaban jiray Soomaalida gaar ahaan madaxda dalka markii ay isku qabtaan xukunka iyo maareyntiisa guud. Dowladihii ka horeeyey mid aan xalkeeda Kenya, Uganda, Ethiopia, Turki ama Jabuuti loo tegin ma leh. Kaaga sii darane waxaa u kala dabqaadi jiray madax dalal kale iyo wakiilkii UN ee Mahiiga.
Shirarka aan jecleystay ee dalka in lagu qabtay ay xukuumadaasi ku guuleysatay waxaa ka mid ah kii garsoorka, shirweynihii wadatashiga bulshada Soomaaliyeed ka hor shirkii Belguim iyo kulankii laga yeeshay la dagaallanka waxa loogu yeero xagjirnimada. Diyaarinta shuruucda hay’adaha kala duwan ee dalka, kuwaasi oo badi ay u gudbiyeen baarlamaanka Soomaaliya kadibna ay qallinka kuwada duugeen.
Howsha hawada Soomaaliya “Civil Aviation” iyo soo celinta shirkadii Somali Airlines ayey dadaal qiimo leh u galeen oo noqday kuwa lagu farxo.
Xukuumaddii tira yar ee TAYO badan waxaa ay si siyaasad walaalnimo ku dheehan tahay u wajaheen arrimaha gobollada dalka Soomaaliya.
Waxaana ay sii wadeen wadahadalkii Somaliland ay la laheyd dowlada Soomaaliya kaasi oo baryihii dhawaa ka dhici jiray Turkiga.
Arrimihii Jubbooyinka ee cabsida badan laga qabay ayey ugu danbeyn xukuumaddii Saacid Faarax ku dhameysay hishiis lagu saxiixday Adis Ababa kaasi oo wali la dhameystirin. Maadaama uu Dr, Saacid Faarax xilka wareejiyey , xukuumadda cusubna aysan toos ugu soo jeesan arrintaasi.
Ra’iisul Wasaare Saacid iyo wasiiradiisa Cilmooge,Fiqi iyo Abdikarim: Kismaayo
Haddii aan intaasi uga haro tilmaamaha wanaagsan ee xukuumaddii Dr, Saacid Faarax waxaan rabaa in aan haddana bal wax yar ka iraahdo talaabooyinkii taariikhda galay ee uu qaadaymarkii go’aanka sharci ka boodnimada ah ee uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, kaasi oo ahaa inuu is-casilo Saacid Faarax.
Waxaana uu arrintaasi ku markii go’aanka sharci ka boodnimada ah ee uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, kaasi oo ahaa inuu is-casilo Saacid Faarax. Waxaana uu arrintaasi ku tilmaamay Saacid mid sharciga baalmarsan oo haddii xallinteeda la rabo loo maro DASTUURKA inoo yaal.(HADAL MAS’UUL IGA DHEH).
Waxaa geed dheer iyo mid gaaban loo fuulay sidii Dr, Saacid loogu qancin lahaa inuu xilka isaga dego waliba uu qaato laaluush oo ah wixii uu sheegto!! Ma ahan wax ku cusub dhagaha dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oraahda (Laaluush xil uga eryid) oo tan iyo dowladdii Carta ee Dr, Abdiqasim Salaad Xassan ayaa Ra’iisul wasaare kasta markii ay is qabtaan Madaxweynaha lagu diri jiray sandareero la siiyo. Laakiin taasi Dr, Saacid Farax waa diiday oo gaashaanka ayuu u daruuray. Waxaana uu furay bog cusub oo ah in baarlamaanka lagu kala baxo. CAJIIB!! (LAGALA GARASHO ROON).
Ceebse waxay timid markii baarlamaankii la is lahaa sharci ha loo doonto iyaddoo aan doodiiba la soo gaariin oo aysan u kala garqaadin Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dr, Saacid Faarax ayaa waxay bilaabeen doc ka wareen sharcigii dhammaa. Waxaana ay dacwad dhaliil baaneed ah kusoo oogeen Ra’iisul wasaare Saacid Faarax( Af wax cunay xishoo) ayaan maqlji jira oo baarlamaanka Soomaaliya waxaa gacanta loo geliyey laaluushkii u Saacid diiday iyo xilal loo ballanqaaday haddii ay ridaan Saacid (Waaba kuwa sidaasi xilka maanta ku heysta ).
Ra’iisul wasaarihii hore Dr, Saacid Faarax isaga oo aanba diidin doodan abaabulan ayuu codsaday bal inuu baarlamaanka hortiisa uga jawaabo waxa lagu soo eedeeyey oo uu iska difaaco. Waana sharci dunida ka jira oo aan aheyn wax hadda la alifayo. Ayaan-darrase waxay dhacday markii baarlamaankii dhigeen taariikh madow oo aan marna ka tirmi doonin waxa ay faleen oo ah inay yiraahdeen ( EEDEYSANE AAN HADLI KARIN NOQO) YAAB!!. Waxaana ay soo saareen kalsooni kala noqosho (Sida ay Villa Somalia rabtay).
Geesinimo uu sameeyey Dr, Saacid Faarax ayaa ah inuu aqbalay waxkasta oo ay go’aan ku gaareen baarlamaanka Soomaaliya, isagoona khudbad ruxday qalbiyada inta wadaniyada ku danbeyso jeediyey. Waxaana uu inoo sheegay meelaha ay sarta ka quransan tahay inay ahaayeen shaqsiyaad xukuumadiisa ka tirsan oo haddana dowladnimada curyaaminayey, waliba saaxiibo la ah madaxweyne Xasan Shiikh. Sida uu i shaaray ayey noqotay oo raggii xukuumadiisa ku jiray ee haddana ridayey ayaa xukunkii kusoo noqday.
Saacid waxaa uu ahaa shaqsi afgaaban, dowladnimo jecel, dibad wareega ka doorbida tegista gobollada dalka iyo la socodka dareenka shacabka, wax walibana ku raadiya nidaamka wadatashiga. khudbad uu maalin jeediyey cidna kama diiqadoon ee waa lagu diirsan jiray. Balse madaxda kale khudbad ay jeediyaan qeyb ka mid ah shacabka ayaa kusii kici jirtay. Dadka u dhaba gala qaab hadalka Dr, Saacid Faarax ayaa waxay yiraahdaan (Saacid waa hoggaamiye u sameysan qaboojinta shacabkiisa). Been ma ahan taasi.
Ra’iisul wasaare kasta markii uu xilka ka dego waa ka baxaa dalka Soomaaliya oo meeshii uu horey uga yimid ayuu ku noqdaa, taasi Dr, Saacid Faarax ma sameyn oo ilaa maanta waxa uu dhex fadhiyaa Muqdisho, isagoona muujiyey inuu markii uu xilka hayey iyo maanta oo uusan xil aheyn muhiim u tahay joogista dalkiisa hooyo. (Xaggee ayey aadeen Ali Geedi, Nuur Cadde, Cumar Abdirashiid iyo Farmaajo?).
Halkaasiba ka garo in raga ina soo hoggaamiyey kala geesisan yihiin oo AMISON la’aanteed ay sii joogi karaan Muqdisho.
Saacid oo sida sawirkan ka muuqata ina baray in xukunka Summer Job aheyn.
Waxaan ku soo xiri lahaa qoraalkeygan maanta inuu Dr, Saacid Faarax ina tusay in xilka dowladnimada Soomaaliya aheyn (Summer Job)ama shaqo xilliga fasaxa lagu jiro la soo qabto oo markii la dhameeyo la isaga soo tago dalka oo dhan. Waa farriin culus oo uu u dirayo dhammaan cidkasta oo xukunka dalka heysta iyo kuwa kale ee uu hunguriga uga jiro. Maxaa yeelay haddii sidaasi loo fahmi waxaa iman laheyn mas’uuliyad gaar ah inay madaxda isa saaraan.
Ahmednuur Maxamed
Muqdisho, Soomaaliya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com