Mogadishu, March 20, 2014– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Cemalettin Kani Torun ,oo ay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal .
Kulankani ayaa waxaa si qoto dheer loogu falan-qeeyay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkey,oo ah xoojinta iyo dardar gelinta howlaha wadaaga ah ee ka shaqeynaya danaha labada shacab ee walaalaha ah , waxaana xusid mudan in dowladda Turkiga oo ah saaxiibka runta ah ee Soomaaliya ay ka fulisay wadanka howlo gargaar bani’aadanimo, mashaariic horumarin oo la xiriira dib u dhiska waddooyinka ,caafimaadka,waxbarashada iyo taageero joogto ah oo dhinacyo badan leh oo ay u fidisay dowladda Federaalka Soomaaliya .
Kulankani oo si heer sare ah u dhacay ayaa ku soo idlaaday jawi farxad iyo reynreyn leh .
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations