Muqdisho(AGGM):Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa qarka u saaran Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose,oo ay Maamulaan Al-shabaab.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Degmada u jira in ka yar 5KM,waxaana Macquul ah in Saacadaha soo socda ay Ciidamada Huwantaa ay la wareegaan degmada.
Wariye Max’ed Ibraahin Macalimuu oo ka tirsan BBC laanteeda Afka Soomaaliga oo la socda Ciidamada Duulaanka ku ah Qoryooleey,ayaa BBC-Da u sheegay in Ciidamada ay kaabiga u saran yihiin Degmada Qoryooleey.
Waxaa uu sheegay Macalimuu in Ciidamada ay Degmada ka gali doonaan ilaa Saddex Jeho islamarkaana ay macquul tahay in Mudo ka dib Gacanta lagu dhigo Degmada oo Al-shabaab ay in badan Maamulayeen.
Degmooyin ay ka mid tahay Qoryooleey oo ku yaala Shabellaha Hoose ayaa waxaa Maamula Maleeshiyada Al-shabaab,sida Degmada Baraawe oo ay ku Xoog Badan yihiin Al-shabaab.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com