Dhageyso:Ahlusunna oo ka hadashay Hadalkii Dowladda Somalia

0

Dhuusamareeb (AGGM): Ururka Ahlusuna ee Gobalada dhexe dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan Dowladda Soomaaliya ka helin mudnaantii ay lahaayeen Ururkaasi Ahlusuna.

Guddoomiye kuxigeenka Golaha Fulinta Ururka Ahlusuna Sheekh Axmed Cabdulaahi Maxamuud, ayaa usheegay Warbaahinta in Dowladda Soomaaliya ay ku dhaliilayaan mudnaanta ay siiyeen Ahlusuna.

Wuxuu sheegay in Ahlusuna ay yihiin urur inmuddo ah lasoo dagaalamaye, Al-Shabaab welina u taagan la dagaalanka Shabaab, sidaasi awgeedna abaalgudka Dowladda ay siisay Ahlusuna uu yahay mid aan uqalmin sida uu yiri.

Ujeedka Ahlusuna, ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay in dalka Soomaaliya nabad laga dhigo oo shacabka Soomaaliyeed ay iscafiyaan si horumar loogaaro.

Wafdi Wasiiro ah oo tagay dhawaan Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa la sheegay in wadahadal ay isku afgaran waayeen Masuuliyiinta Ahlusuna, kadib qodobo labada dhinac ay isku mari waayeen.

Ahlusuna waxa ay kamid tahay xoogaga hubaysan ee dagaalka kula jira ciidamada Al-Shabaab.

Audio Player

 

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com