Warbixin Kooban Oo Ku Saabsan Isbitaalka Magaalada Garbahaarey.

0

Garbahaarey (AGGM): Isbitaalkii hore ee magaalada Garbahaarey, kaasoo kal hore sanadihii 1987-1988 ay aasaastey dawladdii kacaanka ahayd, ayaan isagu hawgalin wixii burburkii dawladdii dhexe ka dambeeyey, sababo dayactir la’aan ah awgood.

Isbitaalkaan ayay dawladdii kacaanka ahayd u qorsheysey inuu noqdo Isbitaal weyn oo metala heer gobol, kaasoo haatan u baahan dayactir looga fadhiyo dhammaan jaaliyadda Beesha Sade ee dal iyo dibadba.

Waxaanna Isbitaalku uu ka kooban yahay 8 qol oo ah xafiisyada shaqaalaha cusbitaalka iyo 32 qol oo bukaan jiif ah, kuwaasoo dhammaanba aad u burbursan.

Hadaba lacagta lagu qiyaasey iney ku bixi karto dayactirka Isbitaalkaan ayaa lagu qiyaasey $38,000, hase yeeshee waxaa illaa hadda gacanta ku jira oo la uruuriyey lacag caddadkeedu dhan yahay $50,000, taasoo ay isu xilqaameen qaar kamid ah jaaliyadda Beesha Sade ee gudaha iyo dibaddaba.

Waxaa hadabba dhammaan jaaliyadda beesha Sade ee dal iyo dibadba laga codsanayaa inay gacan ka geystaan dayactirka Isbitaalka, kaasoo haatan ay bulshadu deegaanka aad ugu baahi qabto

Wixii faah-faahin kala xiriir Teloofanada ah:
+25261512362 Aadan Yuusuf Maxamed

+252617136428 Saaqo Maxamed Aadan

+252615800104 Shukri Xuseen Jaamac

Daahir.F. Afdheere
Email. gulaan1969@yahoo.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com