Daawo Sawirada:Da’yar diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar uga furmay dalka Turkiga.

0

Ankara, March 25, 2014– Ilaa iyo 10 diblomaasi da’yar oo Soomaali ah ayaa maanta tababar muddo hal todobaad socon doona uga furmay Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkey .

Tababarkani ayaa furitaankiisa waxaa ka hadashay  Burco Cevik oo ah Agaasimaha Akadeemiyadda diblomaasiyadda oo sheegtay in Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid sal adag leh , waxa ayna faah-faahin badan ka bixisay jadwalka casharada tababarka lagu qaadan doono .

Olgan Bekar oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga Afrika ayaa isna faah-faahiyay Siyaasadda Turkiga ee ku wajahan Africa si gaar ah bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay , isagoo xusay in Shacabka Turkiga uu gurmad aad u balaaran u fidiyay Soomaaliya xilligii abaaraha iyo xaaladda bani’aadanimo ay ka taagneed qeybo ka mid ah gobolada dalka .

Abdulaziz Mohamed Mohamud oo ah Madaxa Wafdiga diblomaasiyiinta da’da yar ee tababarka uga soconaya dalka Turkiga ahna Madaxa Qeybta Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa uga mahad-celiyay dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalka balaaran ee ay u galeen samatabixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed , wuxuuna ka codsaday Akadeemiyadda diblomaasiyadda Turkiga inay qaban-qaabiso tababaro diblomaasiyadeed oo kala duwan , si aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed sare loogu qaado.

Waxaa xusid mudan inta aanu tababarkani furmin  saacado ka hor ayaa diblomaasiyiintani da’da yar waxaa socdaal booqasho ah lagu geeyay dhismaha guri dhaqameedka (Anıtkabir)  ee Mgaalada Ankara oo ah Matxafka  Mustafa Kemal Atatürk oo ah hogaamiyihii iyo Madaxweynihii ugu horeeyay ee aas’aasay Turkiga.

DSC04532 DSC04552 DSC04567 DSC04590 DSC04628 DSC04632 DSC04633 DSC04639 DSC04640 DSC04647

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations