Madaxada Dalka Kenya Oo Mareeykana Ka Dalbaday In Ay Kala Qeybqaatan la Dagalaanka Kooxaha Argagaxsida ee Al shabaab .

0

NAIROBI (AGGM): Dowladda Maraykanka ayaa taageeri doonta dowlada Kenya dagaalka ay kula jirto argagaxisada si loo xaqiijiyo ama loo sugo amaanka xuduudaha dalka Kenya.

Danjiraha u fadhiya dalka  Kenya Robert Godec oo maanta khudbad la qaatay shacabka reer Mombasa ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in falalka ALSHABAAB ay ka geesanayaan dalkani Kenya ay halis ku tahay  amaanka dalka Kenya ayna saameeyn ku yeelan karto daganaashaha nolosha shacabka Kenya. .

Mr Godec ayaa sheegay in Madaxweynaha Uhuru Kenyatta uu codsi u diray Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo ku aadan in ay gacan ka  siiyan la dagaalanka ururka Al Shabaab .

Maraykan ayaa balan qaaday in ay gacan ka siinayaan la dagaalanka ururka Al shabab  dhinaca Ciidanka difaaca dalkani Kenya KDF si loola tacaalo ururka xagjirka ah ee Al shabaab iyo sidii looga hortagi  lahaa fikradaha xagjirnimada  ku saleeysan.

Kenya oo kula dagaalamaysa ururka al dhabaab gudaha Soomaaliya ayada oo qayb ka ah howlgalayasha midowga Africa ee Soomaaliya  ee AMISOM,waxaana jira weeraro ka dhacay dalka tan iyo markii Kenya ciidamadadeeda loo diray gudaha dalka Soomaaliya.

 Isha ku Hay allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com