Dawo:Prof.Jawaari Oo Xalay Ka Qeybgalay Kulan Loogu Tacsiyadeynayey Marxuum Shariif Saalax Maxamed

0

Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay ka qeybgalay kulan  casho sharaf ah oo loogu tacsiyadeynayey Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax Maxamed oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa kasoo qeybgalay sidoo kale Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeen,Wasiirro,Xildhibaanno, qoyska Marxuumka, aqoonyahanno saaxiibo dhow ay aheen marxuumka amaba lasoo shaqeeyey iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn kulanka waxaa taariikhda marxuum Shariif Saalax Maxamed ka akhriyey Cabdi Xaaji Goobdoon,Xuseen Sheekh Axmed Kadare, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Mudane Maxamed Axmed Jimcaale waxaana ay dhammaantood hoosta ka wada xariiqeen kaalintii uu Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax ku lahaa hirgelinta Af-Soomaaliga iyo tacliinta Dalkeenna.

Shariif Maxamed C/laahi oo ka mid ah qoyska Marxuumka uu ka geeriyooday ayaa uga mahad celiyey  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Umadda Soomaaliyeed guud ahaanba sida ay u maamuuseen Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali iyo sida loo muujiyey kaalinta uu shacbiga Soomaaliyeed uga jiro.

Ku simaha Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Ra’isulwasaare ku xigeen iyo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo isaguna hadal kooban ka jeediyey kulankan tacsida ah ayaa magaca Xukuumadda ugu tacsiyadeeyey Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali.

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulankan Tacsida ah soo xeray ayaa ka hadlay taariikhda iyo waxqabadkii Marxuum Shariif Saalax Maxamed waxaana uu markaa kadib marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa jano siiyo,qoyskiisa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

IMG_5062 IMG_5034 IMG_5040 IMG_5043 IMG_5047 IMG_5048 IMG_5051 IMG_5054 IMG_5058 IMG_5062 IMG_5069 IMG_5075 IMG_5077 IMG_5078 IMG_5081 IMG_5083 IMG_5088 IMG_5094 IMG_5097 IMG_5099 IMG_5102 IMG_5106 IMG_5112 IMG_5117 IMG_5122 IMG_5131 IMG_5136 IMG_5152 IMG_5153 IMG_5158