Nairobi (AGGM): Gudiga baarlamaanka u qaabilsan dhanka difaaca iyo arimaha dibadda ayaa qorshaynaya in hor imaato Wasiirada Arimaha Dibada Aamino Maxamed si ay wax uga ogaadaan xaalada degaanka Kenya iyo Uganada ay ku murunsan yihiin ee Migingo Island.
Gudoomiyaha Gudigaani ahna Xildhibaan Tetu Ndungau Gethenji ayaa sheegay inay rabaan inay wax ka ogaadaan warbxinta ay soo sareen gudigii qurburada ahaa ee loo xilsaaray inay xaqijin ku sameeyaan dhulka la isku haysto.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dhowaan Wasiirada Arimaha Dibada Aamino Maxamed ay gudigooda hor imaan doonto si ay cadaymo dheeri ah uga keento dhulka la isku haysto.
Uganda Iyo Kenya ayaa waxa ay isku qabsadeen midba midka kale inuu leyahay dhulka Migingo Island 2009 kadib markii kaluumaysato Kenyaan ah ay Cabasho ka muujiyeen in laamaha amaanka ee Uganda ay dhibaatooyin ku hayaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com