Qaxooti Soomaaliyeed oo ka qaxay dagaallada ka socdameelo kamid ah dalka Soomaaliya , una soo qaxay waddanka Yemen, ayaa la sheegay inay la daalaa dhacayaan xaalad aad u adag.
Qaxootigani ayaa waxaa la sheegay in aysan helin biyo nadiif ah, musqulo iyo hoy ku habboon Xerada Qaxootiga ee Al-Ajlaniya ee Gobolka Xadramuut ee Yemen oo dadkasi ay degan yihiin.
Soomaaliya ayaa sanado badan waxaa ka dhacayay falal ammaan darro, iyadoo Al-shabaab ay dagaal kula jirtay dowladda iyo howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS tan iyo sannadkii 2007-dii.
Dalka Yemen ayaana waxaa uu kamid yahay dalalka ay Somaalida inta badan u barakaceen markii dalka Soomaaliya ay ka dhaceen Colaadaha sokeeye, waxaana kunool Boqolaal Kun oo Soomaalia ah, in kastoo markii dalkaasi ay dagaallada ka billaawdeen badankood ay dib uga soo laabteen.
Colaada dalka Yemen ayaa weli taagan, waxaana Soomaalida kunool ay muujinayaan walaac xoogan oo ku aadan inaysan heysan waxyaabihii muhiimka u ahaa Nolosha Bani’aadamka, iyaga oo baaq u diray Hay’adaha Caalamiga ah.