AKHRISO:- Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Faransiiska oo sheegay in Alshabaab ay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood

0

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Faransiiska oo lagu magacaabo Olivier Cadic oo Magaalada Hargeysa booqasho ku jooga, ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo ku filan oo sheegaya in Al Shabaab ay joogto Laascaanood.

Xildhibaan Olivier Cadic oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa sheegay in uu helay xog caddayn u ah in Al Shabaab ay Laascaanood joogaan.

“Waxan helay xog ku saabsan xaalada Laascaanood, waxa jira caddaymo ku filan oo muujinaya in ay ku jirto Al Shabaab, Al Shabaab kali ah khatar kuma aha Somaliland, waxay sidookale khatar ku tahay dunida dimuquraadiga ah oo dhan” ayuu yiri ‘Oliver Cadic oo ka tirsan Baarlamaanka Faransiiska.

Cadic ayaa hadalkiisa Waxa uu intaa ku daray loo baahanyahay in Somaliland laga taageero in sidii looga adkaan lahaa Al Shabaab, si aanay Somaliland Awoodeeda u wiiqmin,.

“Waa in aynu Somaliland ka taageereynaa sidii looga adkaan lahaa Al Shabaab, waana in aynu garab istaagnaa Somaliland si aan loogu samayn faro galin ” ayuu yir’i Xildhibaan Cadic.

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Faransiiska ayaa ku soo aadaya Xilli Soomaaliland ay Taageero uga raadsaneyso Dawladaha Caalamka dagaalciidankeeda ay kula jiraan Ciidamada SSC khaatumo oo ku sugan Magaalada Laascaanood islamarkaana Ciidanka Soomaliland ka Difaacaya in ay la wareegaan Magaaladaas.