AKHRISO:- Dad isku qoys ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Inta la xaqiijiyay 7 Ruux oo Shacab ah oo la sheegay inay isku qoys ahaayeen ayaa ku geeriyootay qarax Miino oo ka dhacay degaanka jicinow ee dhaca jiinka Wabiga Shabelle duleedka Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, iyada oo faah faahin ay kasoo baxeyso.

Dadka Shacabka ah oo ahaa Beeraleey ayaa waxaa la sheegay in ay saarnaayeen Mooto Bajaaj, kana yimaadeen Beer ay ku leeyihiin duleedka degmada Buulo-burde, hayeeshee Miino ay ku qabsatay degaanka jicinow ee duleedka degmadaas.

Duqa degmada Buulo-burde Saadaam Cabdi Iidoow ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay qaraxa dadka isku qoyska Shacabka ahaa ay ku geeriyoodeen ee ka dhacay duleedka degmada Buulo-Burde ee Gobolkaasi Hiiraan ayaa sheegay in dadkaasi ay ahaayeen Shacab aan waxba galabsan, isla markaana ay miinada wadada ku aaseen Al-Shabaab.

Si kataba degaanka uu qaraxa ku qabsaday Dadka Shacabka ahaa ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal xooganaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Macawiisleyda Gobolka Hiiraan iyo Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.