AKHRISO:- Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi oo walaac xoogan muujiyay

0

Iyada oo dhawaan Madaxweynaha Kenya William Ruto uu saxiixay sharci canshuurta ku kordhinaya badeecado kala duwan ee dalkaas ayaa waxaa saameyn xoogan uu ku yeeshay Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Suuq Islii.

Mid kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in saameyn dhaqaale oo xogan uu ku yeeshay Sharciga Canshuur kordhinta ah, isla markaana ay wayeen cid wax ka iibsat.

Wuxuu sheegay in sicir barar xoogan sidoo kale uu keenay sharci canshuurta ku kordhinaya badeecado kala duwan ee ee uu saxiixay Madaxweyne William Ruto.

Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa Ganacsi farabadan ku leh Soomaalida, waxaana inta badan saameyn ku yeesha go’aanada kasoo baxa Madaxda dowladda Kenya.