AKHRISO:- Soomaliland oo ka Falcelisay Eedeeyn uga timid Hay’adda WHO

0

Somaliland ayaa walaac ka muujisay warbixin ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO uga hadashay burburka uu dagaalku u gaystay xarumaha caafimaadka Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibaadda Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay dhulka iyo shacabka Somaliland ka difaacayaan argagixiso iyo maleeshiyo beeleed, isla markaana ay sameeyeen dadaal kasta oo lagu ilaalinayo shacabka iyo danta guud.

“Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale , Waxa qoraalka lagu sheegay in Somaliland ay ku dadaashay in ay gargaar aadaminimo gaarsiiso shacabka colaada ku barakacay, isla markaana loo baahanyahay in WHO la shaqayso xukuumada Somaliland.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa WHO in ay la shaqayso dowlada Somaliland si dadka colaadu saamaysay ay u helaan adeeg caafimaad” ayaa sidoo kale lagu yiri’qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada Somaliland.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa Khamiistii sheegtay in duqaymo lala beegsaday qaar kamid ah xarumaha caafimaadka Laascaanood ay dhibaato soo gaarsiisay adeegyada caafimaadka eek u yaala Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Soomaaliand ayaa ku soo aadaya Xilli Ciidamadda Militariga Soomaliland Duqaymo ay la beegsadeen Magaalada Laascaanood ay dhibaato ka soo gaartay dad shacab ah iyo bur bur soo gaaray Xarumo Caafimaad.