Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeral Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo fariisr u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xiriira xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa Ciidanka ku amaanay guulihii ay ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Al-Shabaab, waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.