Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Britain ayaa ka digtay in khatarta ka iman karta argagixisadu ay kordhayso, iyada oo soo bandhigtay qorshayaal ay sheegtay inay kaga hortagayso.
Qorayayaashaan ayay sheegtay in looga hortagayo weeraro argagaxiso oo dhici karta, kaas oo ay geysan karaan islaamiyiinta ku sugan Gudaha UK, isla markaana muddo 5 sano kadib ay dib u habeyn ku sameeyeen xaaladaha deg deg ag.
hadalkaan ayaa markii ay jeedineeysay Xoghayaha ayaa waxaa Goobta ku sugnaa dad oray uga badbaaday weeraro argagaxiso sida ay sheegtay Warbaahinta dalkaas, waxaana dad badan ay ka falceliyeen hadalkeda.
Dalka Ingiriiska oo kamid ah dalalka sida wyen uga feejigan weerarada ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro tooreey loo adeegsado, kuwaas oo ay geystaan Kooxo abaabulan oo la sheegay si sharci darro ah ku joogaan dalkaas.