Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha waxa loogu yeero argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee waxa loogu yeero argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Kuxigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cunaqabateynta maaliyadeed, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Shabaab.
Dhankiisa, Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharicdarada iyo ladagaallanka argagixisada.