AKHRISO:- Mareykanka oo cunaqabateyn kuso rogay Madaxii Maaliyadda Daacish-ta Soomaaliya

0

Xafiiska Xakameynta Hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee kooxda Daacisha ee Soomaaliya, kooxdaas oo ka jirta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Cabdiweli Maxamed Yuusuf uu door muhiim ah ka qaatay gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibka ah agab iyo saanad ciidan isagoo wakiil uga ah Daacish-Soomaaliya oo uu u qaabilsanaa bixinta dhaqaalaha iyo hagidda laamaha iyo shabakadaha Daacish ee ku yaalla qaaradda.

Cabdiwali ayaa tan iyo sandkii 2019-kii xubin muhiim ah ka ahaa Daacish-Soomaaliya, wuxuuna la kulmay oo warbixinno siiyey madaxda kale ee Daacish ee Soomaaliya, oo uu ku jiro C/qaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo horey Mareykanku uu ugu soo rogay cunnaqabateyn.

Cabdiweli ayaa mas’uul ka ahaa maamulidda qayb wayn oo kamid ah dakhliga ay soo saarto Daacish-Soomaaliya, isagoo fududeeyay isu-gudbka Daacish oo dalal kala duwan ka jirta.

Warka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Daacishta-Soomaaliya inta badan dakhligeedu kasoo xarooda lacago si xoog ah loooga qaado dadka , iyagoo si gaar ah u bar-tilmaameedsada bulshada deegaannada ay gacanta ku hayaan.

Kooxda Daacisha ee gudaha Soomaaliya ayaa warbixintu xustay in ay doonayaan in ay ka faa’iidaystaan tabar-yarida hay’adaha ammaanka Soomaaliya.

Waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka “Cunaqabataynta hadda lagu soo rogay Cabdiwali waxay muujinaysa sida ay uga go’an tahay Maraykanka taageerada saaxiibadooda caalmiga ah oo ay ku jirto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,”.