AKHRISO:- Faah faahin: Duqeymo iyo howlgallo ka dhacay Xadka Gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa Waaberigii hore ee saaka waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaano kuyaalla xadka kala qeybiya Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in xog ay heleen kadib ay howlgal ku qaadeen Tuulooyinka kala ah Tuulooyinka Fiiqeey, Ceel la helay, Hereeri Dheere, Lagoow Xassan iyo Bus jiide oo dhamaantood u dhow degaanka Daaru-Nicma,isla markaana dhaca Xadka Gobolada Shabeellaha Dhaxe iyo Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen saraakiisha in howlgalka ay qeyb ka ahaayeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ay fulinayeen diyaarado dagaal, isla markaana howlgallada khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Xubnaha katirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii la helay in Xubno katirsan Al-Shabaab ay isku aruusanayeen degaannada howlgalka laga fuliyay si ay weeraro ugu qaadaan Saldhigyada Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ku leeyihiin xadka

“Geesiyaasha Guutada 24aad ee Khaalid Bin Waliid ee xoogga Dalka oo xog ka helay Dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ku qaaday Tuulooyinkan ku dhow degaanka Daaru-Nimco eek ala ah, Fiiqeey, Ceel la helay, Hereeri Dheere, Lagoow Xassan, iyo Bus jiide, waxaana la burburiyay Saldhigyadoodii ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay dowladda.

Ilaa iyo hadda sirasmia ah looma faah faahin khasaaraha ka dhashay howlgalka iyo duqeymaha diyaaradeed ee ka dhacay degaannada kuyaalla Xadka Gobolada Shabeellaha Dhaxe iyo Galgaduud, iyada oo goobjoogayaal ay sheegeen inay maqlayeen jugta duqeymaha ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka.