AKHRISO:- Biyo la’aan xoogan oo ka dhacday degaano katirsan Gobolka Bakool

0

In ka badan Kun Qoys oo kamid ah Dadka ku nool degaanka Xaara xoodey oo hoostaga degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool ayaa waxaa la sheegay inay xilligaan soo wajahday Biyo la’aan xoogan markii ay ka gureen Ceelal Gacmeedyadii ay Biyaha ka dhaansan jireen.

Qoysaskaan oo ah Xoolo dhaqato ay saameysay abaartii ka dhacday dalka ayaa Biyaha ka doonta degaan o 15km ujira, waxaana kordhay Qiimaah fuustada Biyaha, oo gaartay 15 ilaa 10 Dollar.

Qaar kamid ah dadka kunool degaanka Xaara xoodey ayaa Warbaahinta u sheegay in Biyo la’aanta ay siwyen u saameeysay degaanka, isla markaana goobo aad uga fog degaanka ay Biyaha ka keensadaan, taasina ay dhibaato ku tahay.

Waxaa ay ka dalbadeen dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inay u soo gurmadaan, isla markaana loo qodo Ceelal ay Biyaha ka helaan, si ay u helaan Nolol tan ka wanaagsan.

Si kastaba abaartii ka dhacday dalka ayaa saameyn waxaa ay ku yeelatay dad iyo Duunyo, hayeeshee hadda ay u muuqataa in bulshada Soomaaliyeed ay kasoo kabsanayaan.