Waxaa Maanta kulan yeelanaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo dood adag ka uyeelan doona Hindisa Sharciyeedyo iyo heshiisyo ay soo gudbisay Xukuumadda Frderaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa si toos ah u furmay waxaana Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe.
Waxaana waxyaabaha kulanka diiradda lagu saarayo ka mid ah Heshiiska heerka Gobol ee Ciidanka Bariga Afrika iyo Sidii ay Soomaaliya uga qayb noqon lahayd.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Ferderaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa baarlamaanka hor yimid, waxaana uu faah faahin ka bixiyay muhiimadda uu heshiiskaasi u leeyahay Soomaaliya.
Isagoo Xildhibaanada ka codsaday inay meelmariyaan heshiiska Aasaasidda Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika, oo ay soomaaliya doonayso inay ku biirto.