Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin kasocday Bangiga aduunka oo uu hogaaminayay ku xigeenka madaxa Bangiga aduunka ee Soomaaliya ahna maamulaha mashaariicda Mattias Mayr.
Kulanka ayaa lagaga hadlay dardar galinta mashaariicda kala duwan ee uu maalgaliyo Bangiga aduunka iyo bilowga Kuwa qorshayntoodu ay hada socoto ay kamid yihiin dhismaha wadooyinka, kaabayaasha shaqaalaha iyo hormarinta adeegyada kale ee bulshada.