Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo Alshabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha la dagaalanka Al-Shabaab, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay Al-Shabaab, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageeridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaataan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka saaraan Ururka Al-Shabaab.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya oo xor ka ah, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si kumeel gaar ah ugu Shaqeeynaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi ka wada qorshihii ugu dambeeyay ee lagu dardar gelinayo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.