Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin la sheegay in uu ku Shaqeeysanayay Sixir iyo Turufo, isla markaana dumar badan uu Kufsi kula kacay isagoo Muuqaalo Anshax xumo ah ka duubay.
Ninkaan oo lagu magacaabo Abuukar Maxamed Xasan Shooble ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya soo qabteen kadib markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir kusoo dacweeyeen qaar kamid ah dadka dhibanayaasha ee uu dhibaateeyay.
Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa sheegay in billaawgii sanadkaan baaris uu sameeyay lagu ogaaday falal faaxisho ah oo uu sameeyay Abuukar Maxamed Xasan Shooble oo ay dhibanayaal u yihiin Haween badan oo uu kula kacay kufsi iyo in uu muuqaalo ka duubay, isaga oo adeegsanaya taleefoono casri ah.
Haweenka qaarkood ayaa maxkamadu sheegtay in uu ka helay lambaradooda Baraha Bulshada halka qaarkood uu la raacay Gawaarida dadweynaha ee Bi’eelka loo yaqaano.
Qareenka difaacaya eedeysanaya ayaadhankiisa qaba dood ka duwan mida ay qabto Xeer ilaalinta, sida uu sharaxayo mid kamid ah qareenada u doodaya eedesanaha.
Xeer ilaaliye kuxigeen Xiis ayaa Maxkamadda dalbaday in cadeymaha ay soo gudbiyeen darteed eedeysanaha loo ciqaabo falalka xun uu u geystay dhibanayaasha.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Makxmadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan oo fadhiga Maanta soo xiray ayaa ku dhawaaqay xukunta lagu riday Abuukar Maxamed Xasan Shooble oo ah 10 Sano oo xabsi ah.