Golaha Milliteriga ee la wareegay Talada dalkaasi ayaa waxay maanta oo khamiis ah ku dhawaaqeen dhismaha Xukuumad Cusub oo ka kooban 21 Wasiir.
Hadal laga baahiyey Telefishinka Qaranka Niger ahaa lagu sheegay inuu Ra’isul-wasaare Cali Mahaman Lamine Zayn hoggaamin doono Xukuumadda Cusub, iyadoo Labo Jeneral oo ka tirsan Golaha Milliteriga loo magacaabay Xilalka Wasaaradaha Difaaca iyo Arrimaha Gudaha.
Magacaabistan ayaa timid, Labo isbuuc kadib markii ay Golaha Milliteriga Niger afgembiyeen Madaxweynihii sida Dimuqraadiga loo soo doortay ee Mohamed Bazoum bishii la soo dhaafay ee July 26-dii.
Afgembigaasi waxaa horkacayey Taliyihii hore ee Ciiddanka Ilaalada Madaxtooyada ee dalkaasi, Jeneral C/raxmaan Tajiyani.
Dhanka kale, Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Urur-Gobaleedka ECOWAS waxay maanta oo Khamiis ah Kulan ku leeyihiin Caasimadda dalka Nigeria ee Abuja.
Kulankaasi ayaa looga tashanayaa Tallaabooyinka ka dhan ah Golaha Milliteriga ee Afgembiga ku qabsaday dalka Niger.