Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Ruun-nirgood iyo degaanka hiloowle-Gaab ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal lagu xaqiijinayo Amniga deegaanada Hoos yimaada Run-nirgood iyo hilowle-gaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim sheekh Muxyadiin Cadow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa in howlgalka uu mid ballaaran oo lagu baadayay Run-nirgood iyo hilowle-gaab, isla markaana lagu xaqiijinayay ammaanka.
Taliyaha ayaa tilmaamay howlgalka inuu qeyb ka yahay howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga degmooyinka iyo deegaannada laga saaray gacanta dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Gaas Ibraahim sheekh Muxyadiin Cadow ayaa xusay in howlgalkaan howlgal qorsheysan ay si wadajir ah u sameeyeen Guutooyinka Cumar Binu-Khadaab, Guutada 17-aad kumaandooska Gor-gor, iyo Guutada 19- ee Ilaalo Qaran