AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo sheegay in Al-Shabaab laga saari doono degaannada ku hareereysan Wabiga Shabeelle

0

Iayada oo howgallo horleh ay ka billaawdeen degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, sigaar ah degmooyinka xiga dinaca xaduudka Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa waxaalagu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu bogaadiyay howlgallada Ciidanka xoogga dalka, iyo Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen Degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad.

Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada ka dulqaaday Al-Shabaab oo mudo dheer maamulayay ayaa lagtu yiri” Qoraalka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreyn doono dhamaan deegaanada dhaca Galbeedka Wabiga ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan, iyaga oo ku doonaya inay kaga hortagaan inay Al-Shabaab u soo gudbaan dhinaca Gobolka Shabeellaha Dhexe.