AKHRISO:- Nuqul Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo lagu hor gubay Barlamaanka Sweden

0

Silwan Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi degan dalka Sweden ayaa waxa uu mar kale shalay oo Isniin ahayd ku dhaqaaqay Fal Xadgudub ah oo aad looga carooday.

Waxa uu Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubay Dhismaha Barlamaanka dalka Sweden ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Stockholm.

Dembiilaha oo ay Ciiddanka Boliska sugayeen Ammaankiisa ayaa waxa uu ku dul istaagay, kadibna uu gubay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Dad Muslimiin ah oo ku sugnaa Fagaaraha ayaa waxay aad uga caroodeen, kana dhiidhiyeen Falkaasi Xadgudub ku ah Islaamka.

Boliska waxay xireen Nin Muslim ah oo isku dayey inuu ka gudbo Xayndaabka uu Dembiilaha ku gubayey Nuqulka Kitaabka Qur’aanka.

Sidoo kale, Haweeney Muslimad ah ayaa waxay Cod dheer ku akhrisay Aayado Qur’aanka Kariimka si ay u carqaladayso hadalladii ay jeedinayeen Kooxihii soo abaabulay Falka lagu gubayey Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Dhanka kale, Tiro Dhallinyaro Swedish ah oo ku labisnaa dhar u muuqaal eg kuwa Shaqaalaha Dab-damiska (clothes similar to firefighters’ uniforms) ayaa Dibadbax ka dhigay goobta, oo ay kaga soo horjeedeen Tacadiga ka dhanka ah Diinta Islaamka.

Dibadbaxayaasha waxay wateen Boorar lagu qoray Hal-ku-dhegyo looga soo horjeedo Xadgudubka Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Waxay kaloo si wadajir ah iskula jiibinayeen ama ugu dhawaaqayeen Hal-ku-dheg ahaa: “Damiya, Nacaybka”, si ay u carqaladeeyaan Hadalladii ay jeedinayeen Kooxaha Islaam-Nacaybka ee gubayey Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Dhanka kale, Boliska Sweden waxay bishan August 9-dii u fasaxeen Silwan Najam oo jaal la ah Silwan Momika inuu Nuqul Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubi karo halka uu ka degan yahay Bartamaha Caasimadda dalkaasi ee Stockholm bishan 14-dii oo shalay ku beegnayd.