AKHRISO:- Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay degaano horleh

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Binu Daalib ayaa howgallo ballaaran ka sameeyey tuulooyinka Ceel gorof ,Ceel boore iyo Geedi koror oo u dhaxeeyay xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaayey taliyaha guutada 26 -aad ee Cali Binu Abii Daalib Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin waxayna ciidamada ku guuleysteen in ay isku furaan wadada xiriirisa Maxaas iyo Wabxo waxayna wadooyinka qaar ay ka saareen tiro miinooyin ah oo ay Al-Shabaab ku duugeen wadooyinka mara deegaanada u dhexeeya Wabxo iyo Maxaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay howlgalka sii wadi doonaan ilaa guud ahaan ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.