AKHRISO:- Gudoomiyihii degmada Baraawe oo xilka laga qaaday

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe, Liibaan Abuukar Cismaan iyo ku xigeenkiisa labaad, Sahro Abuukar Cali.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa lagu sheegay, sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha in ay tahay, wada shaqayn la’aanta golaha degaanka Baraawe iyo maamulka degmada Baraawe.

Warqada Xilka ka qaasista ee ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, ayaa kusoo beegmay, kadib markii golaha degaanka Baraawe ay dhawaan mooshin xil ka qaadis kasoo gudbiyeen guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa labaad.

Sidoo kale , wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xilka guddoomiyaha degmada Baraawe si kumeel gaarka ah u magacowday Cumar Sheikh Abdi Shafana kaddib markii guddoomiyihii hore ee Degmada Baraawe xilka laga qaaday