Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug oo uu kala hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Alshabaab iyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adeegyo bulsho oo dhameystiran.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso -sidii Alshababa looga saari lahaa degaanada haatan ay ku harsan yihiin Galmudug iyo Guulaha wax ku ool ka ah ay ciidamada qaranku ka gaareen Hawlgallada ka dhan ka ah Alshabaab , isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada ciidamada qalabka sida.
Kulanka uu Madaxweynaaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud uu la qaatay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug ayaa ku soo aadaya Xilli Ciidamada Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ay shalay la wareegeen gacaan ku heynta degmada Ceel buur ee gobolka Galahduud halkaas oo muddo ay maamulayeen Alshabaab .