Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Hay’adaha Dowladda ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee ku guda jira howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Galmudug iyo Hirshabelle.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga saaray Al-Shabaab, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle.
Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.